|

Charlie Adam iyo Gareth Bale oo dood kulul dhex martay (by liida)

Charlie Adam iyo Gareth Bale ayaa is wajihi doona kulanka jimcaha ay wada yeelan doonan Labada xul ee weles iyo scotland ayagoona ciyaari doona usoo bixida koobka aduunka.
Bale ayaa ku tilmaamay reer baadiye ciyaaryahanka u ciyaara stoke city waa  Charlie Adam, Kadib markii uu dhaawac gaarsiisay Adam ciyaaryahan Gareth Bale laba goor oo hore iska
Horyimaden xili ciyaaredkan.
Ciyaaryahankan u dhashay wadanka weles ayaa ka maqnaa garoomada mudo sedax bilood ah Xili ciyaaredkii aynu soo dhaafnay kagadaal marki ciyaaryahanka kooxda Blackpool uu ku Qabtay taako bishii may ee sanadii 2011.
Mar labaad ayaa ay iska hor yimaaden labadan ciyaaryahan kadibna waxaa dhaawac soo Gaaray ciyaaryhan Bale  kadib marki uu taako ku qabtay Charlie Adam asagoo jooga kooxda Liverpool.
Adam ayaa yiri:”waxii dhacay wey dhaceen, waana ka raali geliyay inta ay ciyaarta socotay.”
“Waxan u sheegay in aan ka xumahay oo ayna iga aheyn xumaan ee si qalad ah ay ku dhacday,
“Laakin waxan moodayay in wax walba ee ok yihiin, waxan kaloo raali geliyay tababaraha  Kooxda tottenham half kii hore ee nasa shada ciyaarta.”
“Anigoo sidaa oo dhan u raali geliyay aya waxaan maqlaya caydan ah reer baadiye, waxaan Waa kubad wax walbana waa surta gal oo qalad wuu dhici karaa.”
Ciyaaryahankan ayaa intaa  ku daray in hadalkan aysan ka hor istagi karin hamigiisa Ciyaaryahan nimo iyo in taako uu sameeyo.
Hadaba hadalkan ayaa imaanaya xili ay labada wadan ay kasoo jeedaan labadn ciyaaryahano Ay wada ciyaari doonan maalinta jimcaha.
Fetah Ali (liida)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8383

Posted by on Oct 10 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented