Ciidamada Nabad Sugida Dowlada oo Maclimiin Dugsi Quraan ka soo Xir xirxiray Xaafado ku yaala Muqdisho Sababta Akhri.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahana kuwa Hay’ada Nabad Sugida ayaa maanta waxa ay Qeyb o kamid ah Magaalada Muqdisho kawadaan howlgalo adag oo baaritaano ah ay kusameenayaan Goobaha Qaar si loo xaqiijiyo amaanka.
Ciidamadan ayaana saakay lagu arkay Xaafado kamid ah Degmada Hodan ay kamid tahay Xaafada Buulo Wagac ,waxa ayna halkaasi ka xir xireen dad dhoor ah ay kujiraan Macalimiin Dugsi quraan oo aad looga yaqaan Xaafadaasi sida Goob joogayaal noo sheegeen.
waxaana waraka intaasi ku darayaan in sabata loo xiray Maclimiintaasi ay tahay shaki iyo tuhun la sheegay in uu jiro ,iyadoo dadaka qaarna ay sheegeen in maclimiinta looga shakisanyahay in ay Gacan la leyihiin Al-shabaab.
Ciidamada ayaa sidoo kale kawada Howlagalada Xaafada kale oo katirsan Magaaldaa Muqdisho halkaa oo laga xir xiray dad u badan dhalinyaro oo looga shakisan yahay in Al-Shabaab yihiin ama xariir kala dhaxeeyo.
Ciidamada Dowlada ayaa sidoo kale Sakaay waxa ay Howl galo adag kawadaan Qeybo kamid ah Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee maalmahan kusoo bateen Qarxayada Bambaano ,waxaana la arkayaa Ciidamo katirsan Nbaad Sugida oo dadka barayaa cidii ay ka shakiyaana Xiraya.
Saraakiisha Hay’ada bNabad Sugida Gobolka Banaadir kama aysan hadlin wali Howlgalkan sugida amaanka iyo la Dagaalanka Al-Shabaab ,waxaana la filayaa in saacdaha soo aadan War kasoo saaraan.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8283