|

Dibadbax lagu taageeraayey Ra’iisulwasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo Cadaado ka dhacay.+sawiro

Banaanbaxani lagu taageerayey R/wasaaraha Cusub ee Xukuumada Fadraalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ee dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay Magaalada Cadaado.

Shalay ,ayaa wadooyinka waa weyn ee Magaalada waxa buux dhaafiyey dad aad u farabadan oo gacmaha ku watay Sawirada R/wasaaraha, Calanka Soomaaliya iyo caleema qoyan kuwaasi oo ku dhawaaqayey erayo ay ku muujinayaan soo dhoweynta R/wasaaraha Cusub ee dalka iyadoona wajiyada dooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yihiin Masuulkan cusub ee ku soo biiray Siyaasada Dalka Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ay qeyb ka ahaayeen ardayda wax kabarata Dugsiyada ku yaala Magaalada Cadaado ayaa ugu danbeyn isagu yimid Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada halkaasi oo ay hadalo ka soo jeediyeen Madaxda sar sare ee Maamulka sheegyna inay soo dhoweynayaan R/wasaaraha cusub ee uu soo Magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed C/llahi Macalin Aadan Tiiceey oo isaguna halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay kuma booriyey Shacabka inay garab istaagaan Dowlada si looga baxo dhibaatooyinka mudada ay ku jirtay Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dad weynihii ka soo qeyb galay banaanbaxa oo aan mikirifoonka la dhex qaaday ayaa shucuubtooda ku muujiyey Taageeradooda ku Aadan R/wasaare Saacid iyagoona ka codsaday inuu soo dhiso xukuumad Tayo leh.

Banaanbaxan lagu taageerayey R/wasaaraha Cusub ee Dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ee Maanta ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa ku soo beegmaya xili qaar ka mid ah gobolada dalka ay ka dheceen banaanbaxyo lagu taageerayo R/wasaare Saacid loogana codsanayo inuu soo dhiso Xukuumad Tayo leh.

Hoos ka daawo Sawirada

Photo Graph: by Mukhtar Hussein

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8279

Posted by on Oct 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented