|

Madexweynaha dawlada puntland oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag iyo Taliyihii qaybta booliska gobolkaasi.

Gaalkacyo(Qubanaha):Madexweynaha dawlada puntland Mudane C/raxmaan Maxamed maxamuud Faroole ayaa manta xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) iyo Taliyihii qaybta booliska gobolkaasi sanaag.  Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madexweynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) iyo taliyihii qaybta Booliska gobolkaasi Sanaag sidoo kalana xilalkaasi loo magacaabay masuuliyiin cusub.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) oo warbaahinta la hadlay manta ayaa sheegay in ay soo gaaren warar sheegaya in xilka laga qaaday, warqad cadayn ahse aysan wali u iman, wuxuuna carabaabay in Warqad iscasilaad ah uu dhawr mar oo isxig xigay u gudbiyay Madexweynaha dawlada puntland lakin uusan wax jawaab ah horay uga helin.

Dabayl wuxuu sheegay in uu soo dhawaynayo masuul walba oo xilka uu gobolkaasi ka hayay loo soo magacaabo, wuxuuse carabaabay mudadii uu xilka hayay in aysan wax taageero ah iyo garab istaagba uusan ka helin maamulka Puntland taas oo keentay in hawlo badan ay qabsoomi waayaan lakin uu dadaal badan oo odaynimo ka muuqato uu ku bixiyay masuuliyadii uu ka hayay gobolkaasi Sanaag.

Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) xilka guddoomiyaha gobolkaasi Sanaag loo magacaabay sanadkii 2003-dii wuxuuna xilkan hayay mudo farabadan oo masuuliyiin kala duwan ay qabteen Madextinimada maamulkan Puntland
Wasiiradii  hore ee Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska dawlada Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa maanta ka dhooftay Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf International Air-port ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo ku sii jeeda wadamo dhawr ah oo Africa ah si ay uga qaybgasho Shirar Caalami ah.

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo saxaafada la hadashay intii aysan ka dhoofin Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf International Air-port ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in Socdaalkeedani ay ku tagayso dadal dhawr ah oo ay uga qaybgalayso Kulamo la xiriira Horumarinta Haweenka oo heer Caalami ah.

Marwo Caasho Geelle Diiriye Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska dawlada Puntland waxay sheegtay in ay ku horumarayso Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonto xubno ka socda beesha caalamka iyo hay’adaha u ololeeya xuquuqda iyo horumarinta haweenka, kadibna ay ka qaybgalayso shirar Caalami ah oo laga casuumay.

Marwo Caasho Geelle Diiriye waxay tilmaantay in ay ka qaybgalayso sadex shir oo kala dambeeya oo midka ugu horeeya Botswana waxaana ka soo qaybgalaya Madex farabadan oo ka socota Wadamada Africa iyo xubno ka socda beesha Caalamka waxaana aad loogu falanqayn doona arrimaha dumarka, Shirka xiga oo shirkaas hore daba socda waxaa isna lagu qabanayaa Wadanka South Africa waxaa aad loogu soo qaadanayaa waxyaabihii shirkaas hore ka soo baxay oo ah shir sanadle ah oo sanad walba mar la qabto, Shirka sadexaadna waxay Marwo caasho Geelle Diiriye uga qaybgalaysaa Wadanka Cameroon waxaana looga hadlayaa isbadelada dunida ka socda iyo sida xalkooda loo heli karo.

Dhinaca kale Marwo Caasho Geelle Diiriye oo maanta ka dhooftay Garoonka C/laahi Yuusuf International Air-port ee Gaalkacyo si ay uga qayb gasho kulamo Caalami ah.

Marwo caasho Geelle Diiriye waxay sheegtay shirarkani in ay yihiin kuwo si shaqsiyan ah loogu casuumay maalmo ka hor iyadoo loo tixgalinayo khibrada iyo aqoonta dheeraadka ah ee ay u leedahay arrimaha haweenka iyo horumarintooda, waxayna sheegtay in shirarkani si shaqsiyadan ah dadka aqoonta u leh arrimahn loogu casuumo islamarkaana aan la ogolayn in qof matalaya qofkii lagu casuumay uu shirka ka qaybgalo maadaama waxyaabaha muhimka ah ee shirkan loogu casuumay ay ka mid tahay in laga faa’idaysto fikiro macquul ahna uu ka gudbiyo arrimaha haweenka iyo horumarintooda waxayna carabaabtay in shirarkan aysan fursad u heli jiri markii ay haysay xilka wasaarada Haweenka Puntland oo ay shaqo badan u taalay.

Marwo Caasho Geelle Diiriye waxay tilmaantay in ka hor Wasaarada Haweenka iyo horumarinya Qoyska puntland ay ka shaqayn jirtay arrimaha bina’aadantinimo oo ay ugu muhimsanayd horumarinta qoyska iyo haweenka taas oo horseeday in sanadkii 2003-dii la gudoonsiiyo abaal marin Caalami ah oo la xiriirta dadaalka ay ku bixisay arrimaha haweeenka.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Marwo Caasho Geelle Diiriye ay uga baxdo dalka tan iyo markii ay wareejisay xilka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta qoyska ee dawlada puntland.

 Falastiin Cabdulle Puntland

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8270

Posted by on Oct 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented