Marouane Fellaini oo dhaawac soo gaaray(by liida)
Weerar yahankan u dhashay wadanka Belgium una ciyaara naadiga Everton ayaa dhaawac soo Gaaray awged kaga maqnaan doona kooxda everton mudo sedax isbuuc ah.
Ciyaaryahankan 24 jirka ah ayaa ku dhaawacmay ciyaar dhex martay kooxda Evertoniyo Kooxda wigan athletic.Ciyaaryahankan u ciyaara kooxda Everton ayaa ah weerar yahanka laf dhabarta u ah kooxda Everton.
Inkastoo dhaqaatiirta caafimaadka ee kooxda Everton ay cadeeyen in ciyaaryahanku uu qabo Dhaawac yar laakin laxaqiijin doono isbuucan gudahiis.
Kooxda Everton ayaa walwal soo food saaray ka gadaal marka uu dhaawac soo gaaray laacibka kooxdaas waa ciyaaryahan fellaini oo asaga ah ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Everton asagoona dhaliya goolal.
Ciyaaryahanka ayaa laga saaray ciyaarta wadankiisa ay la ciyaari doonto wadamada Serbia iyo Scotland.
Fetah Ali (liida)
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8406