|

Mecheal Owen oo doonayo in uu markale u ciyaaro xulka qaranka England

Weerar yahankan  dhashay wadanka England haatan na u ciyaara kooxda
stoke city ayaa Daneenaya in dib uu ugu ciyaaro kooxda qaranka England.Owen oo ahaa laacibka xulka qaranka England ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in maalin un Uu kusoo laabto ciyaaraha xulka England
Owen ayaa yiri:”dadka qaar waxee moodan in aan ka fariistay gabi ahaanba ciyaraha, laakin Waxaan u sheegayaa in aanan ka fariisan doonin ciyaraha kubada cagta.
Owen ayaa haatan ku biiray kooxda Stoke City si xor ah kadib marki kooxda Manchester United ay iska soo fasaxday.
 Owen ayaa ciyaaray ilaa 2  kulan kooxdisa Stoke city asagoona ku qanacsan qaab ciyaaredka Kooxda Stoke city.
Hadaba hadalkan ayaa kusoo beegmaya xili ciyaaryahankan uu kasoo bogsaday dhaawacyo uu La daalaa dhacayay mudo dheer, iyadoona haatan ciyaaryahano da yar lagu soo darayo xulka Qaranka England.
Fetah Ali (liida)

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8425

Posted by on Oct 10 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented