Soomaalida Ku nool Magaalada Vienna ee wadanka Austria oo mudaaharaadyo ka dhigay halkaasi sababta maxay tahay ? +Sawiro
Mudaaharaayo is daba jog ah ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Vienna ee wadanka Austria kaasi oo ay dhigayaan Soomaalida halkaasi ku sugan gaar ahaan ku wa sharciyada loo diiday ee Qaxootiga ah.
Mudaaharaadyadaan ,ayaa waxa sababay ka dib markii Dowlada Austria ay ku dhawaaqday in Soomaalida sharciga loo diiday loo celinaayo wadan kooda,oo ay dowlada ku andacootay in uu hada xasiloonyahay oo uu dhaamo sidii hore wadankana uu ka baxaya nidaamkii Kumeel gaarka.
Qaarka mid ah Soomaalidii ka qeyb gashay Muadaahraadka ayaa www.qubanaha.com u shegay in mudaaharaadka sii soconaayo inta Dowlada ay warkaani war dhaamo la I maaneyso .
Soomaalida Qaxootiga ku ah Wadanka Austria ,ayaa waxaa ay shegeen in wali wadankooda uu san daganeyn ,Dowladan Austria loo ga baahan yahay in ay jojiso Caga jug leynta
.Daawo Sawiro
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8563


