|

Yusuf Haji :Al-shabaab waxaan ka dilnay Dagaalyahano ka badan (3,000 Sadex kun) .

Wasiirka gaashaandhiga wadanka Kenya Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in mudada Sanadka ah ee ay Soomaaliya ciidamadu ka joogaan inay ku dileen wax ka badan (3,000 Sadex kun) oo dagaalyahan oo Xarakadda Al-Shabab ka tirsanaa.

Yuusuf Xaaji waxaa uu sheegay in dagaaladii ay la galeen ciidamada Al-Shabab ay ku gaarsiyeen khasaaro xoogan oo uu sheegay inay ku waxyeeleeyeen gaadiid dagaal dagaalyahano fara badan oo ay ka dileen.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay baabi’yeen qatar Soomaaliya uga wajahneyd sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray inuu saxaafadda u xaqiijin karo inay Shabab ka dileen dagaalyahano tiradoodu gaarayso 3,000 oo ruux.

Inay Shabab ka gubeen gaadiid dagaal ayna bur buriyeen bakhaaro hub ku keydsanaa ayuu ku faanay wasiirka gaashaandhiga Kenya sida lagu qoray wargeyska The Star oo dalka Kenya kasoo baxa.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaaladii ay Al-Shabab kula galeen gobolka Jubbadda hoose ayaa waxaa uu xusay inay uga geeriyoodeen 22 askari isla markaana ay uga gubatay diyaarad nooca qumaatiga u kaca sidoo kalena kama uusan hadlin dhacdadii askari ka tirsan ciidamada Kenya uu ku rasaaseeyay dad rayid ah deegaan ka tirsan Jubbadda hoose taasoo dhalisay khasaaro nafeed oo dad rayid ah soo gaaray.

Sadex cisho ayaa xigta sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay markii ay ciidamada Kenya soo galeen waxaana ay ciidamada Kenya ku qaadatay muddo sanad ah inay Xarakadda Al-Shabab uga saaraan magaalooyin Kismaayo ku jirto oo jubbadda hoose ku yaala

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8516

Posted by on Oct 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented