|

General Qeybdiid oo ka mid ah 3-da M/weyne ee Galmudug :Hobyo anagaa iska leh Reer Cadaado ma sheegan-karaan.

Madaxweynaha maamulka Galmudug state Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in degmada Hobyo ee ku taala xeebaha gobolka Mudug ay si buuxda u hoos tagto maamulkiisa, isagoo u digay maamulka  Ximan iyo Xeeb inay sheegtaan Degmadda Hobyo oo uu sheegay inay hoostimaado maamulka Galmudug ee hadda 3-da Madaxweyne ay isku heystaan

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in shalay isaga iyo ilaaladiisa oo dhexmaraya degmada Hobyo ay weerar ku soo qaadeen kooxo uu sheegay burcad badeed, isagoo xusay inuu la yaabay markii ay weerar sheegteen maamul kale oo ay ood wadaag yihiin.

“Hobyo waxay hoos tagtaa kuna abtirsataa maamulka Galmudug, mana jirto cid la sheegan karta iyo cid ay marti uga noqoneyso maamulkeedam kooxaha weerarka soo qaadayna maamul iyo beel midna uma aqaano ee waxay ahaayeen burcad badeed” ayuu intaa ku daray, burcad badeena dagaal baanu weligeen kula jrnayi” Jen.Qeybdiid.

Shalay ayey aheyd markii iska horimaad uu degmada Hobyo ku dhexmaray ilaalada Jen. Qeybdiid iyo kooxo hubeysan oo ka soo jeeda maamulka Ximan iyo xeeb, inkastoo aan la soo sheegin khasaare ka dhashay.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Ximan Maxamud Nuur Hagafey ayaa sheegay in ciidamo uu wato madaxweynaha maamulka Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybiid) ay weerar ku soo qaadeen qeybo k mid ah degmada Cadaado oo ay iyagu ka taliyaan sidaasna uu dagaalkii shalay ku dhacay.

“Hobyo waa labo qeybood sida Gaalkacyo oo kale, waxay kala hoos tagaan Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug, saaka ciidamo uu wato Jen. Qeybdiid ayaa xoog ku soo galay qeybtii maamulkeenu uu ka talinayey oo y ku taalo dekeda, isagoo aan cidna soo war gelinin dagaalkana waxaas ayaa keenay” ayuu intaa ku daray Afhayeenka Ximan iyo Xeeb.

Falastiin Cabdulle Gaalkacyo

qubanaha@yahoo.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8629

Posted by on Oct 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented