Magaalada Kismaayo oo laga helay meydka afar ka mid ah ciidamada Kenya (Video)
Major Amanual Chir Chir oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay inay magaalada Kismaayo ka heleen meydadka 4 askari oo Kenyan ah oo ku geeriyooday dagaaladii ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabab.
Hadal uu ku qoray bogga uu Twetter,ka ku leeyahay ayaa waxaa uu sheegay in qabuuro ku yaala xeebta magaalada Kismaayo ay ka heleen meydadka 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya laguna dilay dagaaladii ka dhacay deegaanka Miido ka hor inta aysan Kenyanku Kismaayop qabsan.
Major Amanual Chir Chir waxaa uu sheegay in Xarakadda Al-Shabab ay meydadka 4,ta Askari iyo askari kale oo Soomaali ahba ay kuwa wada aaseen hal qabri waxaana uu intaa ku daray inay meydadka ku heleen kadib markii ay gacan ka heleen dadka Kismaayo.
“Meydadka askar ciidamadeena ka tirsanaa ayaanu qabuuro Kismaayo dhinaceeda xeebta ku yaala ka helnay kadib markii ay dadka Kismaayo nagu gacan siiyeen” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Kenya Amanual Chir Chir.
Xarakadda Al-Shabab ayaa horey meydadka askartaan ku soo bandhigay magaalada Kismaayo intii ay maamulayeen.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8582