Maxaad ka la socotaa qaabka loo dhisay Maamulka Kismaayo ?(Akriso )
Waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay maamulka ka arriminaayo magaalada dekadda leh ee Kismaayo, oo bishii la soo dhaafay ay galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah howgalka AMISOM.
Maalmahan waxa magaalada ka socday kulamo aan loo kala kicin, kuwaasoo lagu doonayay in maamulo loogu sameeyo Kismaayo.
Hadaba shabakadda RBC Radio ayaa maanta heshay qaabka loo sameeyay maamulka ka arrimin doono Kismaayo.
Waxana maamulkaas loo sameeyay sidan:
1-Guddoomiyaha maamulka Kismaayo waxa looga dhigay Axmed Madoobe oo hogaaminayay xoogaga Raskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay magaalada Kismaayo.
2- Gudoomiyaha Gudiga Amniga General Ismaaciil Saxardiid oo horrey u ahaa Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobbolada Jubbooyinka
3- Madaxa arrimaha bulshada iyo afhayeenka maamulka cusub waxa loo magacaabay Cabdinaasir Seeraar.
4- -Gudoomoiyaha Gudiga Maaliyadda iyo Mareeyaha dekadda Kismaayo waxa loo magacaabay Muuse Gaab qabiilkiisa waa Harti, Xadhuun Ogadeen….Cabdala
5- Gudoomiyaha arimaha Garsoorka waxa loo magacaabay Xujaale qaabilkiisa waa Dir gaadsan.
6- Gudoomiye Ku xigeenka magaalada Kismaayo waxa loo magacaabay Axmed Carab qabiilkiisa waa Ogaadeen Gahgeri.
Sida aan xogta ku helnay waxa maamulkan oo lagu dhawaaqay maanta oo Jimco ah, taarikhdana ay ku beegan tahay 12-ka October 2012-ka, uu xilka heyn doonaa muddo bil ah.
Waxa goobta lagu dhawaaqay guddigan ku sugnaa Gudiga Sheekh Axmed Madoobe oo hadda madax looga dhigay maamulka Kismaayo iyo Taliyaha AMISOM ee Jubbooyinka oo u dhashay dalka Kenya Colonel Jeff Nyagah..
Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin maamulka loo sameeyay Kismaayo oo ah mid ku-meel-gaar ah, laakin waxa magaalada Nairobi ka socdo shir looga hadlaayo mustaqbalka Kismaayo.
Kenya waxa ay dooneysaa qoxootiga Soomaalida ee ku nool waqooyi-barri dalka Kenya in loo wareejiyo gobolada Jubbooyinka.
www.qubanaha.com
qubanaha@yahoo.com
xigasho :RBC Radio
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8590