Warda Maxamed:Ceyrtii waa la iga jartay Caruurtedii waa la iga ka xeysatay Gabar kamid ah Caruurtii aan dhalayna waa la kufsaday waxaan ku jiraa nolol cariir ah ( Arin naxdin leh oo ka dhacaday Holland Daawo)
Hooyo soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Holland ayaa laga qaatay 6-caruur ah oo ay dhashay ka dibna dadkii loo geeyey caruurtaas ay faraxumeeyeen arintaas oo hooyadaas ku noqotey murugo weyn.
Warda Maxamed oo ah hooyada Soomaaliyeed ee laga qaatay caruurteeda ayaa sheegtay in 6-da caruurta ah ee ay dhashay ay ka qaadeen qolooyinka caruurta xaquuqdooda ilaaliya ka dib markii lagu soo eedeeyey inaysan awoodin xanaaneynta caruurtaas.
Hooyadan Soomaaliyeed oo ay ka muuqatay Murugo badan ayaa sheegtay in dhibaato xaga dhaqaalaha ah ay soo wajahday kadib markii laga jartay ceyrtii ay qaadan jirtay kadibna gurigii ay ku noolaayeen laga jartay korontadii iyo biyihii sidaasna looga qaatey caruurteeda maadaama hooyadaas lagu soo eedeeyey inaysan awoodin xanaaneynta caruurtaas oo aysana gurigaas wax caruur ku noolaan karin.
Caruurta laga qaatay Hooyadaasi Soomaaliyeed ayaa loo geeyey Qoysa Soomaaliyeed, laakiin nasiib daro halkaasi lagu kufsaday Mid ka mid ah gabdhihii loo geeyey qoyskaas Soomaalida arintaas oo hooyadaas ku beertay murugo aad iyo aad u weyn.
Dhibaatada kale ee hooyadaas Soomaaliyeed heysata ayaa waxay tahay ka dib markii loo diiday inay caruurteeda ay kula hadasho af Soomaali oo loo sheegay inay kula hadasho oo kaliya luqada Holandeeska.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8603