|

Dagaalo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka dhacay iska horimaad khasaare geystey.

Iska horimaadka ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo kooxo hubeysan oo aan cidna ka amar qaadan sida ay dadka deegaanka ah u xaqiijiyeen Website-ka Qurbejoog.com.

Inta la ogyahay waxaa ku dhimatay 2 ruux halka 5 kalena ay dhaawacmeen kuwaasi oo dhammaan  ahaa dad rayid.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulada ka wada arrimiya  magaaladaasi, inkastoo xaaladda ay tahay mid cakarin.

Dhinaca kale Maanta ayaa Kooxo hubaysan waxa ay Labo ruux oo Xoolo dhaqato ah ku dileen Magaalada Gallinsoor ee gobolka Galgaduud sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ah.

Dilka ka dhacay Magaalada Gallinsoor ayaa lasoo sheegayaa in uu salka ku hayo Aanooyin qabiil.

www.qubanaha.com

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8721

Posted by on Oct 13 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented