Weyne Rooney oo noqday ciyaryahankii shanaad ee ugu goolasha badan xulka England(by liida)
Ciyaaryahan Weyn Rooney ayaa xalay ahaa kaptanka xulka qaranka England asagoona noqday Ciyaaryahankii shanaad ee ugu goolasha badnaa xulka qaranka England.
Rooney ayaa xalay dhaliyay laba gool mid kamid ah goolasha waxee aheed rigoore ama gool kulaad, Ciyaaryahankan ayaa xalay hogaaminayay xulka England asagoona soo bandhigay ciyaar aad u Wanaagsan.
Rooney ayaa sheegay in ujeedadiisa aysan aheen gool dhalin oo kaliya laakin waa inaan guuleesanaa Sababtoo ah ayuu yiri ciyaaryahano goolal dhalin kara waynu heysanaa ama aniga igaga wanaagsan gool Dhalinta.
Rooney ayaa noqday ciyaaryahankii shanaad ee ugu goolasha badnaa xulka qaranka England Ciyaaryahankan ayaa intaa ku daray in aad ay u farxad gelineso marka uu soo xasuusto ciyaartii xalay uu Asaga ka ahaa kabtanaka xulka England.
Rooney ayaa yiri:”aniga waxaan jiraa 26 sano welina waqti an ku dhaliyo goolal badan ayaan heystaa, Waana rajeenayaa in goolal badan aan dhaliyo.”
Asna waxaa ka hadlay kulankii xalay England tababaraha xulkaas waxuuna ku tilmaamay in weyne Rooney uu ahaa ciyaaryahan hogaamin kara ciyaaryahanada xulka England waayo ayuu yiri xalay laba Gool ayuu dhliyay teeda kalena waxuu noqday ciyaaryahan masuul ah.
Fetah Ali (liida)
Fitaax1me@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8691
