Barlamanka oo maanta yeelanaayo kulan Xasaasi ah.
Xubnaha golaha Baarlamanka ayaa la filayaa in ay maanta kulan ku yeeshaan magaalaada Muqdisho kaas oo looga hadlayo ajanddo ku saabsan xeer hoosaadka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa u sheegaywarbaahinta in kulanka maanta looga hadli doono ajanddo ku saabsan xeer hoosaadka, isagoo intaasi ku daray in mudanayaasha loo qeybindoono qoraallo ay soo diyaariyeen guddiyadii loo xilsaaray diyaarinta xeer hoosaadka.
Kulanka Baarlamanka ayaa lagu wadaa in looga doodo arrimo ku saabsan xeer hoosaadka iyo dhismaha guddiyada Baarlamanka.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8763