|

Barlamanka:Ra’iisulwasaraha waa in uu 2 maailn gudahooda Barlamanka ku horyimaadaa.

Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku codsadeen in mudo laba cisho ah lagu horkeenno Ra’isulwasaaraha cusub eeSoomaaliya Baarlamaanka, kadib markii Xildhibaannada Baarlamaanku isugu yimaadeen kulan balaaran oo ay ugu doodayeen Xeerhoosaad uu yeesho baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta waxa uu ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana shir gudoominaayay kulankaasi Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dooda inteeda badan waxa ay ku salaysnayd xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo waxka bedelkiisa si howlha Baarlamaanka ay u noqdaan kuwo si habsami leh u socda, iyadoo ajandaha labaad ee baarlamaanku ka doodaayay maanta ay ahayd arrinta Ra’isulwasaaraha cusub ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanku qaarkood ayaa soo jeediyay iney wanaagsan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeno Ra’isulwasaaraha magacaaban si ay u ansixiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari uu mudo laba maalmood gudahood ku codsaday in la horkeeno Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) si ay xildhibaannadu codka kalsoonida ugu qaadaan.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8807

Posted by on Oct 14 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented