Jabhada SSC oo si rasmi ah ugu biirtay Somaliland iyo Hogaamiyahooda oo xil wasiir loo magacaabay .(Akhri )
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xil wasiirnimo u magacaabay hoggaamiyihii kooxdii burburtay ee SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye).
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed goor dhawayd oo caawa ah ka soo baxay Madaxtooyada, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Mr. Xagla-toosiye u magacaabay wasiirka Dib-u-dejinta, iyadoo wasiirkii wasaaraddaasna uu u magacaabay wasiirka Wershaddaha oo uu ka soo gooyay wasaaradda Ganacsiga.
Degreetada uu soosaaray, waxa kale oo uu ku magacaabay wasiir kuxigeenka wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, wuxuuna qoraalkaas Madaxtooyadu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub, isla markaana wasiirkii hore ee Dib-u-dejintana u magacaabay wasaarad cusub.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8793