|

Mwai Kibaki: Ciidamadeena waa in waqtiga loo kordhiyaa.

M/weynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki oo ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa ka dalbaday ururka midawga Africa inay waqtiga u kordhiyaan ciidamada dalkiisa ee Soomaaliya jooga ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Hadalkaan M/weynaha oo uu ku soo beegay sanad guurada 1,aad ee kasoo wareegtay markii ciidamada Kenya ay Soomaaliya soo galeen sanadkii hore ayaa waxaa uu sheegay in waqtiga ciidamada ay uga midka yihiin hawlgalka AMISOM uu dhamaadka bishaan ku egyahay ayaa uu sheegay in dawladiisu u baahan tahay in waqtiga loo kordhiyo waqtiga ay ciidamadiisa ay Soomaaliya joogaan.

M/weynuhu waxaa uu sheegay in ciidamada Kenya ay AMISOM ay hawl wanaagsan u qabteen oo ay Xarakadda Al-Shabab ka saareen magaaladii ugu weyned ee Kismaayo halkaasoo uu sheegay inay shaqo badan ka qabteen.

“Midawga Africa waa inay kordhiyaan waqtiga ciidamada Kenya ay uga sii mid ahaanayaan hawlgalka AMISOM oo bishaan ku eg waayo hawsha ay qabteen ma yara” ayuu yiri M/weynaha Kenya Mwai Kibaki.

Kibaki waxaa uu intaa ku daray in ciidamada Kenya ay diyaar u yihiin in dawlada Soomaaliya ka caawiyaan suguda amaanka.

Madaxda wasaaradda difaaca Kenya ayaa horey u sheegay in ciidamada AMISOM.

www.qubanaha.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8816

Posted by on Oct 14 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented