|

Wadad Lagu dilay Kismaayo .

Xalay ayaa magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda hoose waxaa lagu dilay hal qof kaas oo ahaa  Wadaad Mu’adin ka ah  mid ka mid ah  masaajidyada ku yaala magaalada kismaayo sida ay u xaqiijiyeen  Kulmiye Goob joogayaal .

Qof la dilay ayaa waxaa soo gaaray  dhaawac culus kaas oo uu  saakay ugu danbayntii   u geeriyooday dhawiicii soo gaaray , iyadoo xiliga qofkan la dhaawacay ay ahayd xilli habeenimo ah oo ay  adag tahay sidii loogu fidiyo adeeg  caafimaad .

Falkaan  ayaa ka dhacay  xaafada lagu  magacaabo Calaley oo ah xaafad ka mid ah  xaafadaha  Magaalada Kismaayo.

Dilalka  qorshaysan ayaa imaanaya ka dib markii laga saaray Magaalada  Kismaayo  Al-Shabaab iyadoo ay la wareegeen Ciidamada dowlada Soomaaliya  oo garab ka helaya kuwa Kenya.

Ma jirto cid si dhab ah  ugu sheegatay dilkan loo  gaystay ninkan Mu’adinka ah  ee xalay lagu dilay Magaaladan  Kismaayo  wallow  ay  dhacdooyin ay noqonayaan  kuwa iska soo daba laab laabtay   tan iyo intii ay  magaaladaa Kismaayo  ay  iskaga baxeen Al-Shabaab.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8787

Posted by on Oct 14 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented