Warbixin— Xaalada Galmudug oo kacsan, xiisad ka taagan Hobyo, iyo Dadaalka Odoyaasha oo aan yareyn.
Warbixintaan waxaan ku eegeynaa xaalada Koonfurta Gaalkacyo(Galmudug) sida ay maanta tahay iyo meesha ay ku socoto, Xaafada Baraxley oo qasan Sadex Madaxweyne ay u hoydaan, Dagaalo horey loo xaliyey dhinaca Hobyo oo qarka u saaran inay mar kale qarxaan, iyo dadaal ay wadaan Odoyaal Dhaqameddyadu…….
Odoyaasha Dhaqanka Koonfurta Mudug ayaa dadaal ugu jira xalinta khilaafaad ka aloosan deegaanada lagu magacaabo Galmudug, ka dibmarkii khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay siyaasiyiinta deegaanka.
Kulan ay Odoyaasha deegaanku isugu yimaadeen waxay soosaareen baaq ay u dirayaan siyaasiyiinta waxayna codsadeen in khilaafka wada hadal lagu dhameeyo, waxay kaloo Odoyaashu ka codsadeen Dad ay ku tilmaameen iney ka tirsan yihiin wax garadka oo Colaada sii hurinaya inay ka waantoobaan, kuwasoo maalmihii lasoo dhaafey saxaafada ka sheegey in Odoyaasha dhaqanku ay taageereen mid kamid ah raga Madaxweynaha sheegta.
Maamulka Galmudug waxaa hada ka jira Sadex Madaxweyne oo mid walbaa ku andocoonayo inuu isagu yahay Madaxweynaha xaqa ah. Labo kamid ah waxay hada joogaan gudaha Xaafada Baraxley,waana Cabdi Qaybdiid iyo Maxamed Axmed Caalim, ninka Sadexaad isagu wuxuu joogaa Magaalada Cadaado.
Mustaqbalka Galmudug iyo xaalada hada soo wajahdey
Galmudug waxaa Madaxweynaha rasmiga ah u ahaa Madaxweyne Maxamed Axmed Caalim, xiligii kala guurka siyaasada Soomaaliya(Roadmap) wuxuu xubin buuxda ka noqdey Lixdii saxiixayaasha ka dib markii uu gacan ka heley Dowlada Puntland, tasoo gaarsiisey inuu noqdo mid meekhaan ku leh siyaasada Soomaaliya, Dastuurka cusub iyo Tubtii nabada(Roadmapka) iyo shirarka arimaha Soomaaliya looga hadlayo Galmudug waxay ka ahaayeen qayb weyn.
Dastuurka Feederaalka Soomaaliya wuxuu qorayaa in Dowladaha xubnaha ka noqonaya Dowlada dhexe ee Federaalka ay noqdaan laba Gobol iyo wixii ka badan taasina waxay god ku ridey Maamulkii Galmudug, oo iminka magac ahaan u jira lakiin aan sharci ahaan ahayn Maamul la aqoonsanyahay.
Madaxweyne Caalim si uu u buuxiyo sharuudaha uu qorayo Dastuurka Feederaalku wuxuu dadaal dheer u galay inuu gacan saar la sameeyo maamulada kale ee Dariska kuwasoo iyana aan buuxin sharuudihii Dowladnimada Gobolada ee ahaa labo Gobol iyo wixii ka badan.
Wuxuu wadahadal la yeeshey siyaasiyiin ka tirsan Maamul hoosaadyada Ximin iyo Xeeb iyo Hiiraan, wadahadaladaas iyagoo meelmfiican maraya ayaa siyaasiyiin kale oo qolyo kale dabada ka riixayaan ay qalalaase siyaasdeed ka bilaabeen Gudaha Galmudug, tasoo keentey in ay iminka Galmudug yeelato Sadex Madaxweyne, raga qalalaasaha kiciyey waxaa kamid ahaa Cabdi Qaybdiid iyo Madaxweynihii hore ee Feederaalka Shariif Sheikh Axmed, oo aan isagu markii horeba la dhacsaneyn Siyaasada Mr. caalim.
Caalim wuxuu hada dadaal ugu jiraa in la baajiyo qalalaase siyaasadeed inuu ka dhaco Galmudug sida uu sheegeyna wuxuu diyaar u yahay in si xaq ah loo doorto madaxweyne, lakiin Gen. Qaybdiid ayaa arintaas diidan.
Xaalada Hobyo kasoo cusboonaatey
Qalalaasaha ka socda Galmudug kuma eka oo kaliya iyaga dhexdooda, waxaa todobaadkan dhexdiisa rabshado hubeysan ka dheceen Degmada hobyo kuwasoo salka ku hayo arimo Qabiil iyo dhul kala riixasho, Degmada Hobyo oo ah magaalo Dekadeed ayaa muran ka taagan yahay maamulideeda, maamulka Galmudug iyo Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa isku heysta,
Cabdi Qaybdiid wuxuu Todobaadkaan tagey Hobyo isagoo ciidan wata, ujeedada safarkiisuna waxay ahayd arimo la xiriira Furitaanka Dekada magaalada, lakiin waxa dagaal hubeysan kala hor yimid Ciidamada Ximin iyo Xeeb, Iska markiiba Cabdiqaybdiid iyo ciidankiisii waa kasoo laabteen hobyo.
Xaalada ayaa hada cakiran, waxaa maanta Magaalada Hobyo soo buuxdhaafshey Ciidan ka yimid Cadaado, halka Cabdi Qaybdiidna wali soo guuxayo.
Hadaba Odoyaasha Galmudug ayaa shalay ilaa maangawaday kulamo lagu xalinayo xaaladaha ay hada food saartey Galmudug, haba u horeysee mida Siyaasada oo keeni karta isku dhacdhexdooda ah iyo xaalada Hobyo oo iyana
qubanaha@yahoo.com
falastiin c/rixmaan Gaalkacyo somalia
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8778