Haweenay lagu soo dalacay in ay 90 kun Yuuro ay dib u celiso: maxay tahay sababta?
Sabti 13-Oktoobar-2012: [JSN] Haweenay dagan magaalada Purmarend ee Nederland ayaa waxaa dowlada hoose ee magaladaas sheegtay in lugu leeyahay lacag gaareysa 90,000 Yuuro. Haweeneydaan ayaa baaritaan ka dib la ogaaday in iyadoo aan xaq u lahayn lacagta daryeelka ee la siiyo dadka aan shaqayn ee loo yaqaan [uitkering] ama cayrta.
Arrintaan ayaa soo ifbaxday, ka gadaal, markii Biliiska magaalada Amsterdam, iyagoo baaritaan caadi samaynayo ay baaritaan ku sameeyeen dad la ehelo ah haweeneydaan oo lagu helay dambiyo kale. Ka dibna ay sheegeen in haweeneyda 90 kun lagu soo dalacay ay haysato dahab, taasna ay keentay in haweeneyda gurigeedii baaritaan uu ku sameeyey biliiska laga helay joodari ay ku jiifato hoostiisa dahab gaarayo 7 Kg. Dahabkaan ayaa qiimihiisa lagu khadaray 320.000 Yuuro.
Arrintaan ayaa markii ay ogaatay hay adii siinaysay lacagta cayrta ay kusoo oogtay qayaano haweeneydaan in iyadoo haysato lacag faro badan hadana ay qaadanaysay lacagta cayrta taasoo ah mid aan la oggolayn. Lacagta daryeelkana loogu talagalay in la siiyo dadka aan wax lacag ah haysan.
Dowlada hoose ayaa go’aansatay in lacagaha lagu leeyahay haweeneydaan lago goosto qiimaha lacagaha dahabka ee ay haysatay, ganaaxna ay saari doonto.
Haweeneydaaan ayaa kaga andacootay maxkamada in dahabka iyada kaliya aysan lahayn ee ay jiraan dad kale oo la wadaago. Waxaa looga baahanyahay in ay keento cadaymo cadaynayo in dahabka ay kaligeed lahayn iyo halka uu dahabka ka soo galay. Haweeneydaan ayaa haddii ay ku guuldaraysato in ay cadeyso lagala wareegi doono guud ahaan dahabka.
Talooyin ku wajahan dumarka Soomaaliyeed ee Nederland
Waxaan aan u sheegayna dadka Soomaliyeed in sharciga wadanka Nederland u yaalo uu yahay in dadka aan shaqeeyn la caawiyo oo la siiyo lacagta ceeyrta ama daryeelka isagoo qofka buuxinayo shuruuda lagu qaato lacagta daryeelka ee loo yaqaan [Uitkering] ,Marka ilaa intee lacag ah ama wax lacag u dhigma ah ayuu heeysan karaa qofka ceeyrta qaata ?
Waxa aan u kala qaadayna labo qeeybood, qof kaligiis [Iskaabulo]ah iyo qof xaasle ah. Qofka kaligiis ah waxaa loo, oggalyahay lacag gaaraysa 5,000 Yuuro. ama wax u dhigma lacagtaas haddii uu intaas ka badan heeysto looma oggala in uu qaato lacagta ceyrta. Qofka xaaska ahna waxaa loo ,oggalyahay in uu kayd ahaan[Sparen/Saving] u haysan karo 10,000 Yuuro. Wixii intaas ka badan looma oggola cidii haysatana xaq umal laha in la siiyo lacagaha daryeelka.
Fadlan qofkii raba in uu wax ka ogaado hala xiriiro hay adaha ku shaqada leh
Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN]
lagbasid@yahoo.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8914