|

Xoghayaha XSKC oo sheegay in gadaal looga sheegay MRI SCAN.

Xoghayaha XSKC oo sheegay in gadaal looga sheegay MRI SCAN

Kadib markii xulka Qaranka da’yarta (U17) ee dalka Soomaaliya dhibcihii laga qaadey islamarkaana XSKC ay ka gaabiyeen  mudadii loo qabtey inay u soo gudbiyaan CAF cadeymaha Magnetic Resonance Imaging (MRI) ee laga rabey  ciyaartooydii ka badisey kooxda da’yarta (U16) dalka Sudan, ayaa waxaa soo baxdey  in caro iyo niyad jab ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan, islamarkaana Saxaafada isboortiga wax ka qortana ay soo daabaceen inay xulka Qaranka dalka Soomaaliya laga reebay ciyaarihii Africa .

Waxaa wareysi bixiyay Qurbajooge Cabdi Qani Siciid Carab oo degan dalka Holland ahna Xoghayaha XSKC, wuxuuna  sheegay  inay gadaal looga sheegay  in laga rabo MRI Scan ciyaartooyda Soomaaliyeed, kadib markii ay ka badiyeen kooxda Sudan, sidaa daraadeedna aysan heli karin lacag ay ku marsiyaan kooxda dhan baaritaanka  Magnetic Resonance Imaging. isagoo yiri ma heyno lacagtaas oo ku qiyaasey 30.000 Dollar, waxaanse ognahey in budget FIFA ay ku siiso XSKC ka qayb gal kasto ay ka qayb qaataan cayaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika, hadii ay ahaan laheyd qarashaadka diyaargaroowga, safarka, degaanka, qalabka iyo dabcan MRI Scan xataa wixii kaga baxo oo qarash ah dib ayay ugu dalacan karaan, balse lama doonayo in kooxda  horumar sii sameyso madaama qarash kale  in la sii galiyo la dooneynin, sida ay nagu soo wargaliyeen ilo wargal ah oo kooxda ka mid ah oo aanan dooneynin inaan shaacino magacyadooda.

Hadii run ka tahey qarash la’aan xataa markaan dowlada Soomaaliya ayaa siin kartey 30.000 Dollar waqtiga hada la joogo waayo dekada iyo garoonka canshuurta ka soo xarooto ayaa ku filan in laga siiyo, balse ma rabaan in wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada lala yeesho wada shaqeyn.

Hadaba waxaan arinkaasi ka wada hadalney Mudane Siciid haybe ” Siciid Zeno” oo ah nin dhalinyaro ah oo bartey Sports Management oo degan magaalada London, wax badan la socdo isboortiga Soomaaliya kan Caalamka, wuxuuna ii sheegay in xiriirka kubadda cagta dalka Soomaaliya ay leeyihiin qaladka ayna ku talagal u sameyeen arinkaan, si ay uga haraan cayaaraha qarashaadkana ugu baaqdo, kadib markii dhalinyarada ay ka soo baxeen kaalintoodii.

Waxaa kale arinkaan isna ka hadley Garsoore Maxamed Cali Weerow, wuxuuna yiri ”Horta maalin kasto  gadaal miyay wax ka ogadaan GOS & Xiriiradooda, wuxuuna tusaale u soo qaatey arinkii Cabdi Bile ee London 2012 iyo arinkaan dhibcaha looga qaatey dalka Sudan, meeshan aqoon daro iyo maamul xumo weyn ayaa ka jirta, waxaana muhiim ah in isbadal lagu sameeyo maamulka isboortiga dalka oo dhan”.

Docda kale  waxaan macquul aheyn in xogahayaha saxaafada u sheego waxaan macquul aheyn oo ah in gadaal loogu soo wargaliyay in laga rabo  MRI Scan markii ay badiyeen kadib, waayo CAF  sharcigaan ma ahan mid ay hada soo saartey oo Soomaaliya loogu  qaadayo dhibcaha, waayo sida ku cad website FIFA qaybta sharciyada  kubadda cagta (FIFA Rules) sanadku markuu ahaa 2009 cayaarihii da’yarta Aduunka ( FIFA under – 17 World Cup) ayaa la soo saarey, lana hirgaliyay  in baaris lagu sameeyo dhamaan ciyaartooyda ka qayb galeysa tartankaan oo ay soo maraan  Magnetic Resonance Imaging  (MRI), hadane waxaan joogaan 2012.

Marka XSKC garta waa laga helay waayo sharci jira oo ku cad FIFA & CAF  oo aan la dafiri karin ayaa horyaal oo aysan ka gudbi karin, sidaa daraadeed waxaa cad inay ku talagal loo sameeyay dhacdadaan, waxaana tusaale igu filan labo arimood ee soo socdo, bal u fiirso maskaxdaada ka shaqeysii fadlan :

Tan Koowaad  sababta ay u baajiyeen ciyaartii hore (Home Game) ay kula dheeli lahaayeen kooxda Sudan dalka Jabuuti maxay tahey?.

Tan Labaad  sharci  4 sano dhan lagu soo maamulayay cayaaraha U17 Afrika iyo  Under 17 World Cup in noola sheego maanta, ma maqlin ama gadaal ayaa noolaga soo sheegay,waxaan u aragnaa in labo midood ay keeni karto hadalka Xoghayaha.

Koow in aqoon la’aan u geysay xaga sharciyada kubadda cagta oo aysan iska aqrin marka ay tartamada ka qayb galayaan shuruucda laga rabo oo dhan,kuwa xaqa ay u leyihiin ama aysan u laheynba ama ku talagal loo sameeyay oo ayba sii qorsheysteen inaysan wareega labaad kooxdooda u gudbin madaama hal ciyaar inay kula dheelaan (Away Game) magaalada Khartoum ay u qorsheysneyd kadibna ay ku hari doonaan halkaas, balse  filan waa dhalinyaradii waa badiyeen. shacabka Soomaaliyeed farxad halka XSKC murugo iyo naxdin u bilaabatey.

Marka labadaan qodob mid waa inuu aqbalaa xoghayaha madaama uu afkiisa ku sheegay sababta loo ganaaxey kooxda inay tahey masuuliyad daro dhacdey, waana inuu dhabarka u dhigtaa madamaa uu yahey xoghayaha XSKC, labo wado kale ayaa u furan inuu is casilo ama shaqada laga eryo oo la soo magacaabo nin buuxin kara shaqadaas baaxada weyn, koley Soomaali is casilo lama arag,waxaa haboon inuu raali galin ka bixiyo nasiib darada  ku dhacdey kooxda Qaranka.

FIFA & CAF (FIFA wants MRI scans used ) sababta ay sharcigaan Magnetic resonance imaging (MRI Scan) u soo saareen waxay tahey kadib markii ay badatey muranka ciyaartooyda wadamada Afrika  ciyaartooyda ay soo saftaan tartamada  caalamiga ah Under 17.U16.U15.U14 marka ay la dheelayaan wadamada horumarey, kuwaasoo koobabka dhan ku qaada si sahlan, madaama ay ciyaartooy da’ waaweyn dheelsiyaan, si loo kale cadeeyo muranka tira badan iyo shakiga ayaa waxaa la soo saarey sharci ah in dhamaantood lagu soo baaro MRI Scan, sida daraadeed CAF & FIFA ma ahan kuwa Soomaaliya kaga eexday dalka Sudan, balse XSKC ayaa ka gaabiyay inay sameeyaan  fuliyaan waxyaabaha laga rabey.

Tusaale ahaan wadamo badan oo ku yaal Qaaradaha Africa.Asia.South America ayaa hore loogu  soo ganaaxey sida hada Soomaaliya ku dhacdey oo kale, wadamadaasna waxaa ka mid ah Nigeria.Cameron.Kenya.Senegal iyo qaar kale oo farabadan, marka hadane ma ogeyn iyo hadaa noola soo sheegay ma noqon karto qiil iyo marmarsiiyo looga baxsado masuuliyad daro.

Hada ka hor waxaa dhacdey inuu yiri macalinka kooxda Japan Philippe Troussier ”The 1999 FIFA U-17 World Championship saw Nigeria beat Japan 9–0, following the game Japan’s French manager Philippe Troussier quipped that he saw one of Nigeria’s U-17 players enter a taxi “with his wife and two children and then driving home” implying that Nigeria had fielded over-age players.

Habada sheekada XSKC ma la mid ahoo qisadaan ”We use over-age players for junior championships, I know that. Why not say it? It’s the truth. We always cheat. Anthony Kojo Williams, NFF Chairman, 1999-2000”.

Magnetic resonance imaging ”

The mandatory use of Magnetic resonance imaging (MRI) was introduced by FIFA in 2009 for the FIFA Under-17 World Cup to help ascertain whether players are over age or not.

The researchers had classified the scans into 6 grading system, as follows:

Grade                             Comment                                                                                               Eligibility for U16/U17 tournament

1 . Completely unfused (physis may be thin): Player eligible

2. Early fusion: minimal hyper intensity within physis :P layer eligible

3.Trabecular fusion of less than 50% of radial cross-sectional area (number of sections (full width) with fusion below 50%) :P layer eligible

4.Trabecular fusion of more than 50% of radial cross-sectional area (number of sections (full width) above 50%) or more than 5 mm non-fused on any one section :P layer eligible

5.Residual physis, less than 5 mm on any one section: Player eligible

6.Completely fused : Player not eligible

Age fraud in association football ”Age fraud is a term for age fabrication or the use of false documentation to gain an advantage over opponents. In football, it is common amongst players belonging to nations where records are not easily verifiable. The media often refer to the player with false documentation as an “age-cheat”.

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA.COM

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8943

Posted by on Oct 15 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented