R/wasaaraha cusub muxuu ka filan karaa barlamaanka ? Akhriso
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (Qubanaha.com) — Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa inuu beri hortago oo arbaco ah uu hortago baarlamaanka jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya si codka kalsoonida ah loogu qaado, sida uu sheegay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xilka ra’iisul waasarenimo loo magacabaay 06-10-2012 , iyadoo baarlamaanku uu dalbaday maalin ka hor in lagu keeno laba maalmood gudahood si codka kalsoonida ah loogu qaado.
xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo wareysi gaar ah siinayay BBC-da laanta afka Soomaaliga, ayaa sheegay in raisalwasaaraha la horkeeni doono maalinta beri ah ee arbacada
Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay inay marka hore dhageysan doonaan qaabka uu ku doonayso raisalwasaaraha cusub in uu kusoo dhiso dowlada uu hogaamin doono afarta sanno ee socoto, ka dibna loo cod qaadi doono, markaas ka dibna ay ku xirantahay sida loogu qanco hadaladiisa.
Dastuurka dalka ayaa dhigaya in ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa hal mar la ansixiyo, iyadoo aan la ogeyn sababta looga boodayo qodobkan dastuuriga ah, balse mudane Jeesoow ayaa sheegay in R/wasaar aan la ansixin oo aan la dhaarin uusan howl qaban karin.
Xidlhibaan Jeesoow ayaa sheegay in ay isaga la tahay in ra’iisul wasaare aan sharci ahayn aanu howl dastuuri ah qaban karin, taas ayaana keentay in ra’iisul waasaraha looga yeero baarlamaanka si cod loogu qaado,” ayuu yiri xidlhibaan Jeesoow.
Ugu danbayntii ilaa hadda lama oga sida uu u dhici doono kulanka uu baarlamaanka iyo xildhibaanada ka yeelan doonaan cod u qaadida iyo ansixinta raisalwasaaraha cusub. Haddii la ansixiyo waxaa r/wasaaraha laga rabaa in uu kusoo dhiso dowladiisa mudo labo todobaad ah.
Miiska wararka Muqdisho
Qubanaha Online
Muqdisho, Soomaaliya
Radio Maanta
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=8989