|

Al-shbaab oo sheegtay in ay shalay dileen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Dowlada.

Afhayeenka ciidamada Ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inay sii wadayaan dagaal uu sheegay in Al-Shabaab ay xaq ugu dagaalamayaan.

Waxaa uu Abuu Muscab Sheegay in ay askar ka tisan Dowlada iyo Amisom ku dilen Duleedka Balidoogle iyadoo 4 askari uu shegay in ay ka dilen AMISOM halka  7 kamdi ah Ciidamada dowladana uu shegay in halkasi lagu dilay waxaana uu intaasi ku daray Afhayeenka in dilal kasi ay yimaadeen Werar Gaadmo ah oo ay Ciidamadooda Qaadeen.

Wuxuu sheegay in ilaa ciidamada AMISOM ay ka daalaan dagaalka oo dalka ay ka baxaan in Al-Shabaab aysan marnaba joojin doonin,ciidamada Shabaab ee dagaalka ku geeriyoodana ay yihiin kuwa Shihiid ah sida uu hadalka ku sheegay Abuu Muscab.

Afhayeenka Ciidamada Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya oo lagala wareegay halkaasi laga waayay ku dhaqanka Shareecada Islaamka isaga oo shacabka Gobaladaasina ugu baaqay inay beri ka ahaadaan ciidamada halkaasi jooga.

Al-Shabaab ayaa looga itaal roonaaday dagaalada ka socda Dalka Soomaaliya iyadoo lagala wareegay deegaano badan oo ku yaala Gobalada dalka Soomaaliya halkaasi oo ay maamuli jireen.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9019

Posted by on Oct 17 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented