|

Golaha Amaanka oo laga dalbaday in Ciidamada Badda kenya lagu daro AMSOM.

Ururka midawga Africa ayaa ka dalbaday golaha amaanka ee Q,M in la meel mariyo in ciidamada badda ee wadanka Kenya ay qeyb ka yihiin hawlgalka midawga Africa ee Soomaaliya ka socda ee AMISOM.

War murtiyadeed la hor geeyay fadhi ay xubnaha golaha amaanka ee Q,M xalay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Maraykanka kana soo baxday ururka midawga Africa  ayaa waxaa lagu dalbaday in goluhu taageero in ciidamada badda Kenya oo ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Jubooyinka lagu daro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka dagaalamaya ee Al-Shabab dagaalka kula jira.

Warka kasoo baxay midawga Africa ee golaha amaanka la hor geeyay ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadda Kenya ay door wanaagsan ka cayaareen ka saaridii Al-Shabab ee magaalada Kismaayo isla markaana Kenya ay tahay dawlada kaliya ee hawlgalka AMISOM ku taageertay maraakiib dagaal iyo ciidamo badda ka dagaalama.

Sidoo kale wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga oo asna ka hadlayay kulanka ayaa tilmaamay in ciidamada badda ee dawlada Kenya ay qeyb ka qaateen qabsashadii Kismaayo golaha amaanka loo baahan yahay inay ansixiyaan in ciidamadaasi qeyb ka yihiin hawlgalka AMISOM.

“Run ahaantii ciidamada AMISOM waxay u baahan yihiin taageero ay ka helaan dhinacyada badda iyo cirka si ay dalka Soomaaliya amaankiisa u sugaan” ayuu yiri Augustine Mahiga oo Q,M arrimaha Soomaaliya wakiil uga ah.

Augustine Mahiga waxaa uu sidoo kale hadalkiisa ku sheegay in xilligaan waxa loo baahan yahay ay tahay in xoog iyo waqti badan lagu bixiyo xasilinta Soomaaliya isla markaana laga digtoonaado wax uu ugu yeeray weeraro ku dhuf oo ka dhaqaaq ah oo Shabab ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Wakiilka dawlada Ingiriiska u fadhiya Q,M ayaa horey u shaaciyay in haswlgalka ay gudaha Soomaaliya ka wadaan maraakiibta dagaalka ee Kenya ay sharci darro tahay.

www.qubanaha.com

 

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9058

Posted by on Oct 17 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented