Maxaa ka soo baxay shirkii IGAD iyo Madaxda ciidamda Huganta ee kismaayo ka dhacay?(Akhri)
Wafuud ka socotay maamul goboleedka IGAD ayaa booqasho ku tagay magaala xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Kulan afar geesood ah ayaa dhex maray wafuudda, hogaanka ciidamada Kenya iyo saraakiisha kala hogaaminaysa Raaskambooni iyo ciidamada Dawladda.
Waxyaalihii ugu doorka roonaa ee laga wada hadlay waxaa kamid ahaa sii adkaynta amaanka magaalada iyo xaqiijinta sidii gacanta loogu dhigi lahaa degmooyinka wali ku haray gacanta Alshabaab iyo sidii loo soo wareejin lahaa shirka ka socda Nairobi ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo loogu dhisayo maamul goboleed sal balaaran.
Shirka kadib, wafuudda iyo saraakiisha ciidamada huwanta ayaa kormeer indho indhayn ah ku bixiyay magaalada Kismaayo gudaheeda iyo goobaha muhiimka ah oo ay kamid tahay dakedda caalamiga ee Kismaayo.
Waftiga ayaa dib ugu noqday magaalada Nairobi oo ay markii hore ka soo kicitimeen, waxaana la filayaa in sida ugu degdegga badan shirka Nairobi ka socda loogu wareejiyo Kismaayo.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9088