Odayashii Dhaqanka Ee Barlamaka Soo xulay oo Qeylodhaan ka Soo yeertay.(Maxay Tahay Qeylo Dhaanta?)
Qaar kamid ah xubnaha odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee soo xulay baarlamaanka sidoo kalena ansixiyay Dastuurka ayaa eedeen ujeediyay Xukuumadda waqtigeeda uu dhamaaday.
Suldaan Ceydaruus Faarax Ibraahin oo kamid odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa u sheegay warbaahinta in masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay ku amreen inay ka baxaan Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in loo keenay tikid ay ku qoran tahay inaysan sii joogi karin Magaalada wax ka badan muddo 10-cisho gudahood ah.
Suldaanka ayaa wuxuu tilmaamay inay doonayeen la kulanka Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hayeeshe loo diiday inay galaan madaxtooyada Soomaaliya.
Ma uusan sheegin masuul gaar ah oo ku amray inay muddo 10-cisho ah ay dalka uga baxaan laakiin wuxuu tilmaamay in tikidka loo keenay ay arintaasi ku qoran tahay.
Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee laga kala keenay Gobalada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo qabteen howlo adag oo ay kamid tahay soo xulida Ergada ansixisay Dastuurka dalka iyo Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay soo xuleen.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9032