Telefishinka CBC Kanada oo soo bandhigay Gaangiistar Soomaalida Kanada ah + Daawo
Arbaco 16-Oktoobar-20112: Qubanaha.com: Telefishinka laga leeyahay wadanka Kanada ee la yiraa CBC News ayaa soo bandhigay Soomaali lagu tuhunsanyahay in ay ku taxaluqaan dambiyada isdilka, daroogada iyo hubka. Ninka lagu soo bandhigay filimkaan ayaa handadaad iyo af lagaado lagu soo bandhigay. Ninkaan oo la qariyey wajigiisa sida lagula heshiiyey telefishinka inta ay socotobaaritaanka biliiska in aan la soo bandhigi karin wajigiisa.
Mooryaantii Faa Cali oo ahaa ciyaal suuq dhibaato badan ka gaystay meelihii ay ka howlgali jireen ee degmada Madiino Soomaaliya ayaad mooda in ciyaal kuwii oo kale la mid ah ay waalidkood ka dhaxleen.

Waxaa isla sannadkan 2012 gudihiisa bilihii, Juunyo, Luulyo, Septembar la dilay lix dhalinyaro ah oo Soomaalida reer Kanada ah oo dhamaantood lagu dilay bistoolada isla Soomaalida dhexdeedana ka dhacay, ayaa ilaa iyo hadda marka laga reebo mid maahana inta kale cidii dishay aan maxkamad la horkeenin.
Qubanaha Online
Delta Alfa
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9020