Man city oo gaashaanka u daruurtay doonista Busquets and cesc (by liida)
Kooxda kubada cagta Man City ayaa qaadacday hadalada ah in kooxda ay dooneyso in ay la soo waregan Ciyaaryahanada u ciyaara Barcelona waa Busquets iyo Cesc.
City ayaa si cad u diiday in ay damacsan tahay lasoo wareegida labadan ciyaartoy in kastoo cesc u Horay kaga hayaamay naadiga Arsenal iyo Horyaalka England ee Premier League.
Busquets ayaa kulankiisii 50aad u ciyaaray xulka qaranka Spain kulankii ay la ciyaaren wadanka France Iyadoona ay ciyaartaa ku dhamaatay 1-1.
Cesc aya ku biiray naadiga Barcelona xagaagi aynu soo dhaafnay ee2011 halka ciyaaryahan Busquets uu Ciyaarihiisiba ku barbaaray kooxda Barcelona kuna biiray naadiga 2005.
Kooxda Man City ayaa ciyaaryahan Garcia usoo gadatay si ay u adkeeso booska dhexda, laakin waxaa Beryahanba la war hayay in kooxda ay dooneyso ciyaaryahanada spanishka e Barca.
Fetah Ali (liida)
Fitaax1me@hotmail.comv
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9119
