|

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Kismaayo.

Qof goob joog ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in abaaro  caawa 1 saac oo  fiidnimo  lagu dilay nin nabadoon ah gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbuda  hoose.

 Ninkaan  nabadoonka ah ee la dilay caawa  waxaa la sheegay in uu ka soo baxay saaladii maqrib isagoo ku sii  jeeday gurigiisa oo goobtaas ku dhawaa.
Falkaan oo ay geesteen rag ku hubaysan bastooladu ayaa sida la sheegay markii ay dileen ninkaan nabadoonka ah inay goobtaas isga carareen.
Goobta lagu dilay nabadoonkaan ayaa waxaa soo gaaray   ciidamada nabad sugida kuwaas oo aan ilaa hada cid ay u soo qab qabteen aanay jirin.
Nabadoonkaan oo lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh ayaa siday qaar kamid ah qoyskiisa sheegayaan in aanay garanayan sababta ka danbaysa dilkiisaan.
www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9171

Posted by on Oct 18 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented