Xavi oo ciyaaraha ku dhameesan doono Barca(by liida)
Ciyaaryahankan rug cadaaga ah ayaa haatan damacsanen in uu ku biro naadi kale asagoona Sheegay in u jecel yahay in mustaqbalkiisa ciyaared u ku dhameesto kooxda Barca.
Xavi oo ah macalinka kubad habeeyaha khadka dhexe ee kooxda Barcelona ayaa heshiis kiisa ku eeg ilaa 2014.
Laakin kooxda Barcelona ayaa jecel in Xavi uu lasii joogo naadiga, ciyaaryahanka qudhiisa wuu Doonayaa in uu ku dhameesto mustaqbalkiisa ciyaared naadigaas.
Xavi ayaa yiri:”aniga aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la sii joogo naadiga sanado badan Sababtoo ah ayuu yiri wax dhib ah kuma qabo kooxda”
Xavi ayaa intaa kadib waxa uu bilaabay in uu amaano laacibka aduunka ee reer Barca Lionel Messi, asagoona ku amaanay in Messi uu yahay ciyaaryahan laacib ah Xavi ayaa yiri
“Lionel hadii uusan gool dhalin 2 ama 3 ayuu baasaa, horay ayaan u sheegay Messi waa Ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida”
Xavi ayaa intaa ku daray:”hadii aad dooneysid in ciyaar yahan aad siiso Ballon D’OR waxaad Siisaa Messi, inkastoo aan ka xumahay saaxibadee Iniesta iyo Iker Casillas.”
Messi ayaa horay ugu guuleestay abaal marinta Ballon D’OR sanadihii 2011 iyo 2010.
Fetah Ali (liida)
Fitaax1me@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9143
