|

Xildhibaanda Barlamanka oo loo qeybiyey Miisaaniyada Bilaha Ka harsan Sanadkaan.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyey Miisaaniyadda Seddexda bilood ee ka harsan sanadkan dalka loo isticmaalayo kadib kulan ay mudanayaasha Baarlamaanku ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa maanta yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ahaa kala fadhiga Koobaad fadhigiisa 14aad ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo isagu ugu horeyn Xildhibaannada u sheegay in ajandaha kulankan uu yahay miisaaniyadda Seddexda bilood ee soo socota.

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/naasir Maxamed Cabdulle (Gerjeex) oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in miisaaniyadan ay tahay mid ay horey u ansixiyeen golihii Wasiirrada ee Xukuumadda Badbaado Qaran ayna aheyd miisaaniyad loogu talagalay sanadkan sidaasi darteed hada laga isticmaalayo uun seddexda bilood ee soo socota oo sanadka ka hartay.

Xildhibaannada Baarlamaanka oo markii qoraalka Miisaaniyadan ay soo diyaarisay Wasaaradda Maalliyadda kadib ka hadlay shirka ayaa soo jeediyey aragtiyo kala duwan balse waxaa ay talooyinkooda u badnaayeen in xildhibaannada lasiiyo fursad ay qoraalkaan kusoo akhristaan taasi uu Gudoonka Baarlamaankana uu ka aqbalay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in ajandahan ay Xildhibaannadu ka doodi doonaan maalinnimada Axada ah ee soo socota inta ka horeysana looga baahanyahay iney soo akhristaan miisaaniyadda.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9165

Posted by on Oct 18 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented