Dad lagu dilay Gobolka Sahbelada Hoose.
Wararka Caawa laga helayo Wadada isku Xirta Degmada Afgooye iyo Deegaanka shalaambood ee Gobolka Sh/hoose ayaa Waxaa ay Sheegayaan in Halkaa Kooxo Hubeysan oo ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda ay Ku rasaaseeyeen Gaari ay Saarnaayeen Dad Shacab ah Halakaas oo Khasaare kala Duwan uu ka dhashay,
Inta la ogyahay 2 Ruux ayaa ku Geeriyootay Rasaasta 3 Kalena waa ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ahaa dadkii Rakaabka ahaa ee saarnaaa Gaariga ay Kooxdaan Rasaasta kla dheceen .
Gaariga ay Dadkaani Saarnaayeen ayaa waxaa uu ka soo Baxay dhanka Deegaanka shalaambood waxaana uu ku soo jeeday Degmada Afgooye waxaana wararka qaar ee ay heleyso idaacada kulmiye ay sheegayaan in Ragaas Rasaaseeyay Shacabka Rakaabka ah ay Baarteen Gaariga iyadoo ay Saaran yihiin Dadkii dhibaatadu gaartay .
Tan iyo Markii ay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen gacan ku haynta Wadadaan waxaa isi soo tarayay Cabashada Shacabka isticmaala Wadada kuwaas oo sheegaya in ay dhibaateeyaan Ciidanka Wadada ku sugan ee Dowladda oo ay Dhac iyo Dilba ugeestaan Wax laga Qabtana Ma muuqdaan Maalmihii Dambana waxaa ku sugnaa Gobolkaasi Mas,uuliyiinta Wasaarada Difaaca .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9258