|

Dadbadan oo ku dhawacmay Qarax ka dhacay goob Aroos Muqdisho.

Wararka laga helayo Caawa Xaafada KPP ee Degmada hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa maqribkii Bambo Gacmeed lagu weeraray Xaflad Aroos ah oo ka dheceysay Xaafadaasi taas oo sababtay dhaawacyo badan oo soo gaaray tiro Dumer ah .

Wararka ayaa sheegaya in Bamka lagu Tuuray Xili Dumar badan ay isu imaadeen Guriga oo ay ka socotay Xaflada Todoba Bixinta Arooska  waxaana inta la ogyahay ku dhaawacmay 10 Dumer ah oo ahaa haweenkii Todoba bixinta u yimid.

Waxaa kaloo ka mid ahaa Dadka dhaawacyadu soo gaareen Wiilka arooska ah Hooyadiis iyo eedadiis kuwaa oo Goobta ku sugnaa .

Dadkii ay dhaawac yadu soo gaareen ayaa waxaa loola cararay isbitaalada  magaalada Muqdisho Halkaa oo Xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo waxana ay wararku sheegayaan in Dadka Qaar ay Xaaladood tahay mid halis ah .

Ciidamada  Amaanka Degmada ayaa Goobta Gaaray Durbaba waxaana ay Sameeyeen Baaritaano Deg Deg ah in kastoo aan ilaa hada la ogeyn cid loo soo qabtay Falka c aawa ka dhacay Xaafada KPP ee Degmada hodan ,

 www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9268

Posted by on Oct 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented