|

Maxkamad ku taala Mareykanka oo Danbi Argigixisada la xiriira ku heshay Nin Soomaali ah.

Maxkamad ku taala magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo   Mahamud Said Omar oo 46 sano jir ah waxa ay ku heshay dacwadihii loo heystay oo 5 gaarayay kuwaas dhamaantoodba ahaa taageero uu u fidiyay xarakada al shabab oo somalia ka dagaalanta .

Maxkamadda ayaa sheegay in baaritaano la sameeyay iyo wareysiyo ay la yeelatay Mahamud Said Omar uu qirtay in al shababka somalia uu caawinayay islamarkaana uu ka gacan siinayay dhinacyada dhaqaalaha , baraarujinta dhallinyaro somali mareykanka ah iyo sidoo kale abaabulis weeraro argigixisinimo ah oo laga geysto gudaha dalka mareykanka.
Guddoomiyaha maxkamadda qaadeysay dacwadaha loo heystay Mahamud Said Omar ninka magaciisa Michael Davis   ayaa warbaahinta u sheegay in ay ogaadeen in ninkan soomaaliga ah intii u dhexeysay bishii September 2007 ilaa iyo bishii October 2009 xarakada al shabab uu u diray lacago sida uu sheegay jihaadka loogu talagalay.
Gudoomiyaha maxkamadda Michael Davis   ayaa sidoo kale sheegay in muwaadinkan soomaaliyeed la xukimidoono balse ma uusan sheegan xilliga rasmiga ah oo maxkamaddu ay ku dhawaaqeyso xukunka .
Dalka mareykanka gaar ahaan gobolka minisoota ayaa waxa ku nool 32 000 oo soomaali ah , waxana dhallinyaro gobolkaasi ku sugnaa qaarkood la ogaaday in falal ismiidaamin ah ay ka geysteen dalka soomaaliya.
  sida ay warisay ja riirada la yiraahdo Minneapolis Star-Tribune mahamuud waxaa laga soo qabatay wadnaka Nederkands  halkaasi oo uu dhumasho u ku joogay ,waxaana wali lavcadeynin waxa uu xukun kiisa noqonaayo ,in kastoo ay u badantahay in la gu xukumo Xabsi mudheer ah.
www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9217

Posted by on Oct 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented