|

Qarax Dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Baydhabo.

Dad Gaaraya Shan qof ayaa ku dhimatay ku dhow 10-kalana way ku dhaawacmeen qarax miino oo galabta ka dhacay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla magaalada Baydhabo eearunta gobolka Bay.

Sida ay  sheegay Bar-kku warameen Dad Goob Joogayaal ahaa oo la hadlay warbaahinta, ayaa waxaa ay sheegeen  in goobta qaraxa lala beegsaday ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkaan ayaa la sheegay in ay ku jireen   dad shacab ah oo ay ku jirto haweeneydii laheyd maqaayadda qaraxa uu ka dhacay sidoo kalena waxaa ka mid ah Dad uu qasaaruhu soo gaaray Ciidamadii Goobta ku Sugnaa Qaarkood.

Mas’uuliyiinta maamulka Dowladda ee Baydhabo ayaa sheegay in dadka weerarka ku dhaawacmay ay saddex ka tirsan yihiin askarta dowladda, ayna baarayaan waxa dhaliyay qaraxa Galabta ka dhacay Baydhabo

.Tan iyo Markii Dowladu ay si Buuxda ula wareegtay gacan ku haynta Baaydhabo waxaa ka dhacay Qaraxyo badan hase ahaatee Qaraxan ayaa ah kii ugu Qasaaraha Badnaa Qaraxyadaasi .

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9274

Posted by on Oct 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented