|

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdulwali Maxamed Cali (Gaas) oo si weyn loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo (Daawo Sawiro).

Gaalkacyo[Qubanaha]Xildhibaan Gaas ayaa waxaa si weyn garoonka Gaalkacyo ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka socotay labada maamul Puntland iyo Gal-Mudug ururada bulshada gobolka iyo shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu ka soo dagay garoonka Gaalkacyo waxaa uu mahad balaaran u celiyay dhamaan shacabweynaha gaalkacyo labada maamul Puntland iyo Gal-Mudug sida diiran oo ay ugu soo dhaweyeen ku soo laabashada magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan Gaas ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu soo booqdo magaalada gaalkacyo oo uu xildhibaanka u yahay iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug isla markaana uusan jaanis u helin intii uu ahaa Ra’iisulwasaaraha soomaliya.

Gaas ayaa dhanka kale sheegay in uu la tashiyo iyo xogwareysi ku aadan la samayn doono shacabka ku nool Gaalkacyo isna uu uga warbixin doono marxaladihii uu soo maray iyo waxqabadkiisii intii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha soomaliya.

Xildhibaan cabdiwali ayaa booqasho gaaban ku tagay guriga uu magaalada gaalkacyo ka daganyahay Islaan Bashiir Islaan cabdulle oo uu salaan iyo kulan gaaban ku la qaatay halkaas.

Ugu danbaytii Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si toos loo geeyay hoyga uu ka dagay magaalada Gaalkacyo oo ah gurigii AUN Madaxweynihii hore ee Soomali Cabdulaahi Yuusuf Axmed .

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9280

Posted by on Oct 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented