Andre Villas Boas oo weji gabax kala kulmay kooxda Chelsea(by liida)
Macalinka kooxda Tottenham ayaa galabta weji gabax kala kulmay naadiga the blues ee Chelsea Markii uu kula ciyaaray isla guriga naadiga uu haatan hogaaminayo ee Tottenham.
Andre Villas Boas ayaa murugo iyo weji kaduud kaga baxay garoonka ay ku ciyaarto kooxdiisa Tottenham kadib markii dhar baaxyo lama ilaabaan ay ku dhifatay naadiga ku guulesatay Champions League xili ciyaaredkii aynu kasoo gudubnay ee sanadan,waa kooxda Chelsea.
Ciyaartan galabta dhex martay ayaa Tottenham dhulka lagu jiiday iyadoona ciyaarta ay aheed mid lagu wada xifaaltamayo.
Andre `Villas Boas ayaa laga soo eryay kooxda Chelsea kadib marki ay isu dhaceen milkiilaha kooxdaas iyo maamulka sare ee Chelsea,asagoona si aan muran ku jirin aaga soo tagay kooxda Chelsea.
Boas ayaa haatan hogaaminaya kooxda Tottenham asagoona dhowr guul gaarsiiyay oo aan la qarin Karin.
Laakin warar ayaa sheegaya in macalinkan uu xifaaltan ka dhaxeeya kooxda Chelsea uuna Doonayay in gurigiisa uu ku ciqaabo kooxdii uu horay aaga soo tagay.
Nasiib daro waa niyada ka jabiyay ciyaaryahandii uu keenay naadiga Chelsea, ciyaaryahanada Uu keenay naadiga Chelsea waxaana ka mid ah, ciyaaryahanka weyn waa joan Mata iyo cahill, Mata ayaa 2 gool ka dhaliyay naadiga Tottenham iyo Cahill oo dhaliyay goolkii koobad ee Chelsea.
AVB ayaa ciil iyo caro u qaba kooxda Chelsea kulankan galabta laga badiyayna waxaa imaan doona kulamo badan oo ay wada ciyaari doonan kooxda Chelsea.
Fetah Ali (liida)
Fitaax1me@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9377
