|

Maxaa ka Soo bxay Shirkii AMISOM ta Baladweyne ku sugan iyo Waxgaradka Baladweyne ?(Akhri)

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka gobolkaasi kaas oo ay uga wada hadlayeen Amaanka iyo u gargaarida  dadkii ay saameeyeen fatahaada wabiga shabeelle.

Kulanka ay maanta wada qaateen saraakiisha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo ay saxaafadda dibad joog ka ahaayeen ayaa waxa uu ahaa mid looga hadlayay xaaladda amaanka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo sidii la iskaga kaashan lahaa gargaarka qoysaskii ay sameeyeen fatahaada wabiga shabeelle.

Shirka kadib ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay qaar ka mid ah Odayaashii ka qeyb galay kulanka waxa ayna sheegeen in saraakiisha AMISOM ay kala hadleen sidii la iskaga kaashanlahaa amaanka, gargaarka iyagoona soo gaarsiiyay fariin ay uga sideen Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale  Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Cusmaan Dubad oo sidoo kale la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in kulankii ay la qaateen waxgaradka gobolka Hiiraan uu ahaa mid ay uga arrinsanayeen amaanka iyo sidii ay Odayaasha ugala shaqeyn lahaayeen howlgalada ay dhowaan ka bilaabayaan gobolkaasi.

Kulanka ay wada qaateen taliska ciidanka AMISOM iyo waxgarada Gobolka Hiiraan ayaa ah kulankii ugu horeeyay kaas oo ay uga arrinsanayeen amaanka iyo sidii ay Odayaasha ula shaqeyn lahaayeen ciidamada ka socda dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kuwaas oo ku howlgala magaca AMISOM.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9322

Posted by on Oct 20 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented