Taagerayal xabsiga la dhigay kulankii Durtmund iyo Schalke(by liida)
Police ka Germany ayaa ku waramayo in taagerayal lagu xer xeray xabsi kadib marki ay isku Dhaceen taagerayasha kooxda Dortmund iyo Schalke.
Taagerayashan ayaa kadan beesay in ay isku dhacaan kulankii derbiga ahaa ay wada ciyaaren Kooxaha Dortmund iyo Schalke.
Ciyaartan ayaa ku dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Schalke, guushan ay gaartay Kooxda Schalke ayaa keentay in labada taagerayal ay wada dagaalamaan.
Durba marki ay ciyaarta soo gaba gaboowday ayaa tagerayasha kooxda Dortmund waxee Bilaben in ay soo ganaan dhagaxaan, laakin waxaa markiba kusoo yaacay police oo doonayay in Uu dajiyo xaaladaha ayagoona ula hadlay dadkan fowdada sameenaya, tagerayasha ayaa Madax adeegay kadibna police ka ayaa bilaabay in sunta indhaha ka il meesiisa ay ku buufiyaan Dadki.
Inkastoo taagerayasha kooxda kale ee Schalke ay ayagana bilaaben in ay la dagaalaman kuwa kale ee soo weeraray.
Inta la ogyahay ayaa waxaa xabsiga la dhigay ilaa 200 oo taagerayaal ah.
Fetah Ali (liida)
Fitaax1me@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9368
