|

Adebayor Oo Shaki Ku Jira Mustaqbalkiisa Kooxda Totenham

Emmenual  Adebayor ayaa la sheegayaa in uu qarka u saaranyahay ka tagista kooxda Tottenham.

weeraryahankaan 28 jirka ayaa la aaminsan yahay in uu mugdi soo galay la joogista kooxda toteham yadoo ay sabab u aheyd ciyaaryahanka oo  wayay boos joogto  ah ee kooxda Tottenham.

Adebayor  oo aan ka mid noqon line up ka kooxda Tottenham ee session kaan inkastoo uu ciyaar Yahanka ka cabanaayo boos la’aanta kooxda Tottenham

Iyadoo la ogsoonyahay ciyaartii ugu danbeysay ee ay la yeesheen kooxda chelsea ayaa ciyaarhankaan Wuxuu soo galay daqiiqadii 82 ee ciyaarta.

Weeraryahankaan ayaa kursiga keydka ku jiray ciyaartii chelsea asagoo la rajeynayay in uu ka mid noqdo Ciyaar yahanada line up ee ciyaarta lugu bilaabi lahaaa hase ahaatee taas maysan dhicin

Kadib waxa cabasho muujiyay ciyaaryahanka Adebayor  waxaan filaayay in aan noqdo ciyaaryahanada Lugu bilaabaayo ciyaartii Chelsea.

 kooxda Tottenham ayaa ciyaaryahankaan waxay ku soo iibsatay 2bilood ka hor lacag gaareyso 5 mll . Ciyaaryahankaan ayaa sanadkii hore u ciyaarayay kooxda man city wuxuu u dhaliyay 17 wuxuuna u Ciyaaray 32 ciyaarood .

warar laga helaayo kooxda Tottenham Adebayor in uu doonaayo in uu helo ciyaar joogta ah qaasatan in lugu bilaabo kooxda Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la ogeen halka uu ku dhamaan doono mustaqbalka ciyaaryahan Adebayor.

Fetah Ali (liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9452

Posted by on Oct 21 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented