Idaacada shabelle oo Xaqiijisay in uu werar Dil ah ka bad baday mid kamid ah wariyaashooda.
Kooxo Bastoolado ku hubaysanaa ayaa Caawa fiidkii waxa ay magaalada Muqdisho ku dhaawacmeen Weriye Maxamed Maxamuud (Tuuryare) oo kamid ah howlwadeedanada Idaacadda iyo TV-ga Shabelle.
Goobjoogiyaal ayaa u xaqiiyay Idaacadda Shabelle in Labo Nino o Bastoolado ku hubaysanaa ay ku ku dhaawaceen Weriye Maxamed Maxamuud (Tuuryare) xilli uu kasoo baxayay Masjid ku yaalla Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Wadajir Salaadii Maqrib kadib,waxaana ay Rasaasta kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa,waxaana la geeyay Isbitaalka Madiina.
Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Weriye Tuuryare Xaaladiisu aysan Qatar ahayn,islamarkaana ay la tacaalayaan hadda Xaaladisa Caafimaad.
Lama oga sabab iyo cidda ka danbaysa dhaawaca Saxafiga, hase ahaatee weerarkan ayaa qeyb ka ah dilalka iyo dhaawacyada loo geesto weriyaasha ka howlgala Muqdishu.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9420