M-weynaha Puntland oo la kulmey Safiirka Midawga Yurub (EU)+Sawiro
M-weynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland kula kulmey masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Midawga Yurub (EU) oo uu ka mid yahay Safiirka Somalia u fadhiya Michele Cervone, waxaana laga wadahadley masuuliyiin badan.
M-weynaha Puntland oo warbaahinta la hadley ayaa waxa uu sheegey in uu kulanku ahaa isbarasho islamarkaasna ay ka wada hadleen arimaha burcad-badeeda maadaama gobolku uu u nugul yahay burcad-badeeda.
Waxa uu sheegey in uu ku faraxsan yahay in masuuliyiintan ay Puntland soo gaaraan oo ay kulmaan.
Horey ayay masuuliyiintan intooda badan ay Puntland u yimaadeen iyaka oo la kulmey madaxda Puntland.
www.qubanaha.com
xigasho
p
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9410
