|

Maxkamada Ciidamda Qalabkasida oo edeysay Qeybaha Amiga Dowlada .

Maxkamada ciidamada qalabka sida  ayaa waxay ku eedaysay hayaa’adaha amniga in ay masuul ka yihiin dhibaatooyinka loo gaysto dadka shacabka ah iyo kufsiga  sida uu sheegay war baahinta  gudoomiyaha maxkamada qalabka sida Liibaan Cali  Yarow ayaa waxa u tilmaamay  in falalka lidigaku ah amaanka  ee mudooyinka danbe ku soo siyaadayay magaalada muqdisho inay masuuliyadeeda dusha u ridayanayaan  hayaa’adaha  amaanka uu howshoodii ka gaabiyay.

Sidoo kalena waxaa uu sheegay in waxa loo sameeyay ama ay shaqadoodu tahay hayaa’adaha amaanku in ay sugaan  amaanka iyo soo qabashada cidii danbi gasha.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada  Liibaan Cali Yaroow ayaa intaas raaciyay in ay iyaga shaqadoodu tahay in  qofka la soo qabto ay maxkamadeeyaan laakin anay ahayn in ay soo xirraan taasi ay tahay shaqadii hayaa’adaha amniga.

Waxaa maalmahan danbe kuso badanaya  magaaladan Muqdisho  dilalka iyo kufsiga lagula kacayo dadka shacabka ah iyadoo dhacdadii uga danbaysay ay  ahayd gabar yar oo 13 jir ah oo lagu kufsaday  degmada yaaqshiid taas oo aan ilaa haatan aanay jirin cid loo soo qab qabtay .

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9384

Posted by on Oct 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented