|

Wafdi QM ka socda oo kismaayo tagay.

Wafdi heer sare ah oo ka socday UN-ka ayaa waxaa  uu  Maanta ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda hoose Halkaas oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab .

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay  kala socdeen Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) iyo hay’adda dhanka nabadgelyada u qaabilsan UN-ka waxaana uu Wafdigu   kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee dhowaan la wareegay magaalada.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab ee Gobolka Jubadda hoose,

Sarkaal  lagu Magacaabo  Dr. Yusuf  oo sheegtay inuu yahay madaxa samafalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay inuu wafdiga kala hadlay sidii gar-gaar loo gaarsiin deegaannada laga Al-shabaab isagoo sheegay in ay ka Aqbaleen Soo jeedintooda .

Waa wafdigii ugu horeeyay ee heerkaas gaarsiisan ee ka socda QM oo gaara Kismaayo Tan iyo Markii gacan ku haynta Al-Shabaab laga saaray  oo ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya waxaana Dhawaanahaan soo baxayay in Kismaayo uu ka dhici doono Shir uu yeelanayo  Urur Goboleedka IGAAD.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9523

Posted by on Oct 22 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented