|

Dowlada oo Muqdisho ku soo bandhigtay Rag iyo Haweeney la shegay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.

Muqdisho:23-102012:Hay’ada Dambi barista CID-da ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay dad galay dambiyo kala duwan oo la xariira dilal qaraxyo iyo waxyaabo kale oo amaanka wax u dhimaya lalana xariiriyay in Al-Shabaab katirsanyihiin.

Dadkan lasoo bandhigay ayaa ahaa 3-Nin iyo Haweeney kuwaa oo dhamaan lagu eedeeyay in Al-Shabaab katirsanaayeen dilal iyo Qaraxyana ka geesteen Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Magaalooyin kale oo katirsan Dalka.

Taliyaha Hay’ada CID- C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in dadkan ay soo bandhigeen yihiin kuwa Al-Shabaab katirsan Dilalna ka geesteen Magaalada Muqdisho isagoona xusay baaritaano kadib in ay ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan.

Bariise waxa uu xusay Haweeneyda ku jirtay Dadka ay soo qabteen in Al-Shabaab katirsaneed sidoo kale Ninkeeda uu ahaa Shabaab horeyna iskugu qarxiyay Magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee CID-da.

Shalay ayey aheed markii sidaan oo kale Taliska Nabad Sugida Magaalada Muqdisho ugu soo bandhigeen dad lala xariiriyay Al-Shabaab iyo sidoo kale hub ugu duugnaa dhulka Hoostiisa.

www.qubanaha.com

Xafiisaka wararka qubanaha Muqdisho

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9550

Posted by on Oct 23 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented