|

Puntland oo dil ku xukuntay qof Ajanabi ah (Sababta Maxay tahay?).

Maxkamadda darajada koobaad ee magaalada Garoowe ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Yemen kaasi oo isagu laga qabtay doon hub siday oo ay Ciidammada Badda ee Puntland gacanta kusoo dhigeen.Maxkamadda derejada Koobaad ee gobolka Nugaal ayaa waxaa maanta lasoo istaajiyey nin u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo  Saalix Cabiidi oo da’diisu ay tahay 50sano jir kaasi oo isagu ahaa wadihii dooni hub siday oo ay Ciidammada Badda Puntland gacanta kusoo dhigeen.Qareenka difaacayey ninkan u dhashay dalka Yemen ayaa ku dooday in ninkan maadaama uu ahaa kaliya wadaha doonidan loo qafiifiyo xukunka laakiin xeer ilaaliyaha Maxkamadda ayaa isaguna codsaday in ninkan lagu qaado xeerka la dagaalanka argigixisada Puntland.Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in eedeysanahan u dhashay dalka Yemen lagu xukumay dil toogasho ah islamarkaana lagu fulinayo.Waa markii ugu horeysay oo maxkamad ku taala Puntland ay xukun dil ah ku xukunto nin ajinabi ah ayadoo talaabadanna ay qeyb ka tahay tahay go’aanno loosoo saaray dhanka amniga.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9596

Posted by on Oct 23 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented