|

Kenya oo gacanta ku dhigtay xubin sare oo ka mid ah Haweenka Shabaabka Dhirigalinta U qaabilsan.

Sida uu qoray wargeeska daily Nation ee kasoo baxa wadanka kenya ayaa sheegay in ciidamada kenya ee kusugan gudaha dalka soomaalia ay gacanta kusoo dhigeen haweenadii ugu sareysay xarakada Al-shabab ee soomaaliya taasi oo laga qabtay magaala xeebedka kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Afhayeenka ciidamada difaaca kenya ee dhanka macluumadka Cyrus Oguna ayaa sheegay in baritaan guri ka guri ay ka sameeyen gudaha magalada kismaayo midkasi oo soconayay 72-sacadood ayuu sheegay in lagu soo qabtay haweyneydi ugu sareysay xarakada Al-Shabab ee soomaaliya iyo in ka badan 72 Al-shabab kamid ah.

Sa Cyrus Oguna ayaa sheegay in gacan ku dhigista haweenayndaasi ay tahay dadaal weyn ay bixiyeen ciidamada kenya iyo kuwa soomaalida ee kuwada sugan magalada kismaayo waxa uu cadeeyay in haweenayda ay AL-shabab u qaabilsaneed ku dhiri galinta hawenka dhanka weerarada al-shabab ay ku qadayaan xarumaha dawlada soomaaliya iyo kuwa ciimada nabad ilaalinta midowga afrika ee magacooda loso gaabiyo AMISOM.

Cyrus Oguna  ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamada kenya ay si aad ah ula shaqayn doonan ciidamada soomaaliya si loo gaaro nabad galyo buuxda oo laga hirgaliyo gudaha magalada kismaayo oo dhawaan laga saray maamulkii Al-Shabab oo sanado halkasi maamulayey.

Hawgalka haweyneedasi lagu soo qabtay ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Kulbiyowo halkasi uu afhayeenka ciidamada kenya ee kusgan soomaaliya uu sheegay in sidoo kale lagu qabtay 5-kamid ah xubnaha dhaq dhaqaaqa Al-shababka soomaaliya kuwaasi uu tilmaamay in ay isku dayayeen in ay u talaban gudaha wadanka kenya.

Hawgalkaasi inta uu socday ayuu afhayeenku tilmaamay in ay ku dhawacmen labo kamid ah askarta ciidamada kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM.

Ciidamada kenya oo soo galay soomaaliya bartamihii bishii october ee sanadii 2011-ka ayaa waxa u suurta gashay in ay maamulka Al-shabab ay ka saraan magalada kismaayo halkasi oo ay ahayd xarunta dhaqaale ee xarakada Al-Shabab.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9731

Posted by on Oct 24 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented