|

wariyihii La gu dilay Laascaanood oo la aasay.

Xalay maagalada laascaanood ee  xarunta gobolka  sool  waxaa lagu dilay wariye Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin” oo u shaqaynayay Tv-ga Universal  waxaana wariyahaas dilay kooxo ku hubaysa bastooladu.

Hadaba waxaa aaska wariyahaas  oo saakay ka dhacay Laascaanood ay idacaada kulmiye ay wax ka waydiisay C/laahi Axmed Cali oo ka mid ah wariyayaasha ka shaqeeya  Magaaladaas,waxaa uuna tilmaamay in wariyahaasi isagoo gurigiisa hor fadhiya ay kooxo bastooladu ku hubaysay ay  toogteen ka dibna ay halkaasi iskaga baxsadeen.

Sidoo kale Malyuun Xasan Axmed oo iyana kamida wariyayaasha ka shaqeeya magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in  wariyaha la dilay ay dilkiisa ka danbeeyeen kooxaha inta badan caadaystay dilalka wariyaasha ka shaqeeya wariyaasha dalka ,iyadoona tilmaantay inay aad uga xun yihiin dilkaas isla markaana aysan wax saamayn ah ku yeelanahay howlahooda shaqo.

Dilka wariyahan ayaa ka dhigaya tirada wariyayaasha la dilay sanadkan  17 wariye  sido kale  labo habeen ka hor ayay ahayd markii  lagu dhaawacay maagalada Muqdisho wariye ka tirsan idacada shabeelle.

www.qubanaha.com

Muqdisho

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9736

Posted by on Oct 24 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented