Muxuu Barlamanka Soomaaliya ka yiri Shirkadaha Shisheeye ee dalka ku sugan ?Akhri
Gudoomiya Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadal ka jeedinayay kulanka Baarlamaanku Shalay ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in aanu ansax noqon doonin Shirka ajnabi ah oo aan la soo marin Baarlamanka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Shaaca kaqaaday in ay jiraan Shirkado Shisheeye oo ay horboodayaan shaqsiyaad Soomaali ah oo aan wax fasaxa ka heysan dowladda Soomaaliya taasna aan la aqbali doonin
Jawaari ayaa dhinaca kale waxa uu cod dheer ku sheegay in shirkaddii aan Baarlamaanku ansixin loo aqoonsan doono Mid aan wax sharci ah ku joogin dalka Soomaaliya.
Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli Shirkado illaa 10 kudhow oo ah kuwa shisheeye islamarkaana aan horay loo horgeyn Baarlamaanka Soomaaliya ay ka howlgalaan gudaha dalka Soomaaliya.
www.quabanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9825